Laamaha amniga oo ciidamo xoojin ah geeyay kontoroolada laga soo galo Muqdisho

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa diiradda saaraya, sidii loo adkayn lahaa ammaanka kontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho oo dhan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Booliska uu Khamiistan kontoroolada ku yaala bannaanada magaalada uu geeyay ciidamo lagu xoojinayo kuwii horey ugu sugnaa kontorooladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Booliska ay sidoo kale ciidamo cusub oo boolis ah geeyeen meelo ka mid ah Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.
Ciidamadan ayaa waxaa loogu talagalay inay ka hortaggaan gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ka tirsan Militariga Somaliya ee imanaya magaala madaxda dalka ee Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa galabta shir guddoomiyay kulan ay ka qaybgaleen Saraakiisha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, iyadoona uu Taliyuhu faray inay adkeeyaan amniga barraha kontoroolada iyo in gaadiidka imanaya magaalada iyo kuwa kale ee ka baxaya ay mariyaan habraaca amniga, si looga hortago khatar kasta oo xasilloonida lid ku ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska.
"Taliye Asad ayaa saraakiisha ku adkeeyay in dhankooda ilaaliyaan nidaamka xog-wadaagga ee u dhaxeeya laamaha Ammaanka oo kaalin muuqata ka qaatay ka hortagga falalka ka dhanka ah nabadgelyada." Ayaa lagu yiri warka.
Tallaabadan ayaa ah mid looga sii hortagayo dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ay ka samayn karaan Magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa maalmahaanba kulamo ku lahaa Muqdisho, iyagoona ka arrinsanaya tallaabada ay qaadi karaan, marka la gaaro 15-ka bisha May oo ku eg muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mucaaradka ayaa ka soo horjeedo muddo kororsi ay u badan tahay inay samayn doonto Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Muddo kororsi kasta oo hal dhinac ah ayaa waxay ka carreysiin doontaa siyaasiyiinta aan la dhacsaneyn siyaasadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku maamulo dalka.


