Laba qof oo midi haweeney tahay oo lagu dilay weerar ka dhacay nawaxiga Tel Aviv
Laba qof oo midi ay haweeney tahay ayaa lagu dilay nawaaxiga Magaalada Tel Aviv, ka dib duqayn ay Iran waaberigii hore ee saaka ku garaacday Bartamaha Israel.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in labadaasi qof ay u geeriyoodeen dhaawac culus oo ka soo gaaray gantaal ku dhacay deegaanka Ramat Gan ee u dhow Magaalada Tel Aviv.
Barraha bulshada ayaa la soo dhigay muuqaalo muujinaya gantaalada madaxyada badan ee Iran oo dulmaraya hawada Tel Aviv iyo nawaaxigeeda iyo dab ka kacay meelihii qaar ay ku dhaceen.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in firirka gantaalada Iran ay saameeyeen illaa sideed goobood, oo ay ku jirto xarunta tareenada ee Tel Aviv Savidor.
Labada qof ee ku dhintay weerarka ayaa la sheegay in aanay ku jirin goobaha gabaadka ee dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in ninka iyo haweeneyda oo ku jiray da'da 70-meeyada ay weerarka la kulmeen, iyagoo ku sii jeeda goobaha gabaadka.
Warbaahinta ayaa sheegtay in ay ahaayeen lamaane da' ah oo aan ordi karin, isla-markaana aysan waqtigii loo baahnaa ku gaarin goobaha gabaadka, ka dib markii seeriga digniinaha ee duulaanka hawada uu dhawaaqay iyagoo hurda.
Shan qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen agagaarka Sharon ee u dhaxeeya Tel Aviv iyo Karmel.
Weerarkan u dambeeyay ee Iran ayaa burbur u gaystay dhismayaasha qaar.



















