Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo warmurtiyeed soo saaray
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa caawa warmurtiyeed ka soo saaray shirkii maalmahaan uga socday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.
Shirka oo 2-dii bishan ka furmay Muqdisho ayaa la soo xiray 7-dii bishan, iyadoo aan wax qodobo ah laga soo saarin, ka dib markii madaxdu aanay wax heshiis ah ka gaarin arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muddadii uu shirku socday ku sugnaa magaalada ayaa dib ugu laabtay Kismaayo, ka gadaal markii sida la sheegay uu ka horyimid in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyadoo markaasi ay Villa Somalia soo magacaabeyso guddi madaxbannaan oo doorashooyinka maamula.
Shirka oo Axaddii dib uga furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaan ka soo qaybgelin Axmed Madoobe, waana xilli uu horey uga maqnaa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka furay ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Warmurtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhageysteen warbixino ku saabsan amniga qaranka, isla-markaana ay goluhu ka wada hadleen arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada, qorsheyaasha qaranka ee dhinaca amniga, geeddi-socodka dimoqraadiyeynta iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xubnaha ka maqan golaha u sheegay in mar walba ay diyaar ula yihiin in wada-xaajood iyo wada hadal lagu soo afjaro, wixii kala aragti duwanaansha ah ee jira.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horey loo galay, si dalka loo gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in goluhu uu sku raacay in Baarlamaanka Federaalka la horgeeyo Sharciyada Doorashooyinka, Xisbiyada Badan iyo Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha.
Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in goluhu uu isku raacay Doorahada Goleyaasha Deegaanka la qabto 25-ka bisha June ee sanadka 2025, halka Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxda Dowlad Goboleedyadana la qabto bisha September ee sanadka 2025.
Qodobada ugu muhiimsan ee shirka ka soo baxay ayaa kala ah:-
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu go'aamiyay inay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horey loo galay, isla-markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo shacabka Soomaaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu isku raacay in si degdeg ah Baarlamaanka Federaalka loo horgeeyo Sharciyada Doorashooyinka, Xisbiyada Badan iyo Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha.
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu soo jeediyay inay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya soo dhameystirto Dhismaha Guddiga Qaran ee Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Xuduudaha.
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu isku raacay in Guddiga Qaran ee Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geeddi-socodka doorashada, si shuruucda dalka waafaqsan.
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu isku raacay in doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota:
Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa June 2025. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay dhici doontaa September 2025.