Madaxweynaha Faransiiska oo ka soo horjeestay duulaanka Israel ee Rafah

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ka soo horjeestay duulaanka ay Israel abaabushay ee ku wajahan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa dhawaan militariga ku amray in ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaadaan deegaankii ugu dambeeyay ee ay ku barakaceen dadka rayidka ah.

Rafah oo ay ku barakaceen dad lagu qiyaasay 1.4 milyan oo qof ayaa gabaad ka dhigtay deegaankaasi, si ay uga baxsadaan duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza, iyadoo duulaankan ay walaac xoogan ka muujisay dunida.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa Raysal Wasaare Netanyahu u sheegay in Paris ay ka soo horjeeddo duulaanka uu amray in ciidamadiisu ku qaadaan Rafah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in duulaanka uu kaga sii dari doono xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Gaza, isaga oo intaasi ku daray inaanan la aqbali karin nafaha ay galaafanayaan weerarada joogtada ah ee Israel.

Waxa uu sheegay in barakicinta khasabka ah ee shacabka ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

"Duulaanka Rafah oo kale wuxuu horseedaya oo keliya masiibo bani'aadantinimo oo baaxad weyn, wuxuuna noqon doonnaa mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada." Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Madaxweyne Macron ayaa tilmaamay in weerarkan uu khatar dheeraad ah ka abuuri doono Bariga Dhexe, ayna tahay in Israel ka laabato go'aanka ay ku weerareyso dhulkaasi.

"Weerarku wuxuu sababi doonnaa khatar dheeraad ah oo gobolka ah." Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Netanyahu oo ka jawaabayay hadalka Macron ayaa ku adkeystay in Israel ay weerari doonto dhulka ciriiriga ah ee cirifka koonfureed ee Gaza, isla-markaana ay ka sifeyn doonaan waxa uu ku sheegay argagixisada Xamaas.

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay dagaalami doonto, illaa iyo inta ay guud ahaan Gaza ka ciribtireyso Ururka Xamaas.

Netanyahu ayaa xusay in ciidamadiisu ay dadka rayidka ah siinayaan fursad ay kaga baxaan Rafah, ka hor inta aanu hawlgalka bilaaban, mana carabaabin goob nabdoon oo dadku ay ammaan ku heli doonaan.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaanay ciidamadiisu weerarin deegaanka ay barakacayaasha ku badan yihiin.

Netanyahu ayaa duulaanka iclaamiyay, xilli Tel Aviv ay hortaagan tahay gargaarka bani'aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza, waana xilli Gaza ay ka jirto cunto yari ba'an iyo biyo la'aan.

Ololaha militari ee Israel iyo ciqaab wadareedka ka dhanka ah dadka rayidka ah ayay Qaramada Midoobey ku sheegtay wax u dhigma dembi dagaal.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa Talaadadii sheegay in duqaymaha aan loo meel dayin ee meelaha dadku ku badan yahay ay noqon karaan dembiyo dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.