Madaxweynaha Jubbaland oo guddi u magacaabay Gurmadka Fatahaadda Baardheere

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Guddiga Gurmadka Fatahaadda Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

"Ka dib fatahaaddii ka dhacay Degmada Baardheere ee galaafatay naf iyo maal, isla-markana u baahan gurmad degdeg ah oo lala gaaro dadka masiibadan ay saameysay ayaa wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam halkan ku magacaabayaa Guddiga Gurmadka Fatahaadda Degmada Baardheere." Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Guddigan oo ka kooban 5 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland ayay shaqadoodu tahay inay ka shaqeeyaan howlaha gurmadka ee la gaarsiinayo dadka reer Baardheere.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:-

1. Axmed Xasan Cumar, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka

2. Maxamed Axmed Cusmaan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada

3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga

4. Axmed Maxamed Axmed, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka 

5. Axmed H. Baraki, Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.