Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Eritrea

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Asmara ee dalkaasi Eritrea.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Madaxweynaha oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalkaasi ayaa inta uu joogo, waxaa ay labada Madaxweyne yeelan doonaan kulamo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

"Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Eritrea ayaa qayb ka ah siyaasadda cusub ee Somaliya ee ku dhisan xiriir wanaagsan oo iskaashi, oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale." Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Asmara u tegay dhameystirka dib u soo celinta ciidamadii horey tababarka ugu joogay dalkaasi iyo ciidamada cusub, ee ay dowladdiisu tababarka ugu direyso dalkaasi.

Safarkan ayaa noqonaya kiisii 3aad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taggo Caasimadda Asmara, tan iyo intii dib loogu soo doortay xafiiska.