Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray Magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Doha kaga qaybgelaya shir ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey, loogana hadlayo dalalka soo koraya.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qaybgelayaan Madasha 5aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qaybgelaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal."

Waa safarkii 2aad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku taggo dalkaasi, tan iyo intii dib xafiiska loogu soo doortay, 15-kii bishii May 2022.