Madaxweynaha Somaliya oo la isku dayay in laga hor istaago Shirka Midowga Afrika

Saraakiisha amniga ee Itoobiya ayaa isku dayay in ay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ka hor istaaggaan ka qaybgalka Shir Madaxeedka 37aad ee Midowga Afrika, sida uu sheegay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa Itoobiya ku dhalleeceeyay ixtiraam darro inay kula dhaqaaqday Shirka Midowga Afrika ee maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa, ka dib markii saraakiisheeda uu ku eedeeyay inay isku dayeen in ay ka hor istaaggaan ka qaybgalka shirkaasi, inkastoo markii dambe uu sheegay in loo ogolaaday.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Itoobiya ay isku daydo inay qiil u sameyso heshiiskii ay 1-dii bishii January la gaartay Somaliland, ee u ogolanayay inay deked ka hesho Badda Cas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in Addis Ababa ay sii hurineyso xiisadda labada dal, ka dib markii uu sheegay in saraakiil ka socda Somaliland ay dalkaasi u joogaan, sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiska.

"Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen January 1-dii ma ahan wax kale oo aan ahayn in qayb ka mid ah Somaliya lagu daro Itoobiya, lana bedelo xuduudaha Somaliya." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa Wariyeyaasha u sheegay "Somaliya waxay si cad u diidan tahay arrintaas."

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu khudbad ka jeediyay shirka, isla-markaana uu dalbaday in si wadajir ah looga hortaggo waxyaabaha caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee Afrika.

"Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali karin tallaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii is afgaradka (MOU) ee ay la saxiixdeen Somaliland, oo ah gobol ka mid ah Somaliya. Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika, isla-markaana aan la aqbali karin."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihi Caasimadda Addis Ababa u tegay ka qaybgalay Shirka Madaxda Midowga Afrika.