Madaxweyne Abbas oo fadhi degdeg ah isugu yeeray Golaha Ammaanka ee QM

Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa codsaday kulan degdeg ah, oo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka yeelanayaan xaaladda cakiran ee ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto.
Madaxweynaha ayaa codsaday in Golaha Ammaanka uu Israel ka joojiyo burburinta dhammaan dhismayaasha la degan yahay ee xeryaha Jenin iyo Tulkarm.
Maamulka Abbas ayaa walaac xoogan ka muujiyay gacanta adag ay Israel adeegsaneyso, ka dib markii ciidamadeeda ay gelinkii dambe ee Axaddii ay burburiyeen wax ka badan 20 guri oo ku yaala xerada Jenin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa cambaareysay burburinta ay Ciidamada Israel ku hayaan dhismayaasha, iyadoona falkaasi ku tilmaamtay mid naxariis darro ah.
Kamal Abu Al Rub, Barasaabka Jenin ayaa sheegay in Tel Aviv ay ka shaqeynayso, sidii ay u burburin lahayd xerada Jenin, ugana dhigi lahayd meel aan la degi karin amaba aan lagu noolaan karin, iyagoo markaasi guryaha iyo kaabeyaasha dhulka la simaya.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in xaaladda Jenin ay tahay mid adag, ka dib markii Ciidamada Israel ay 21-kii bishii hore ay hawlgal ka bilaabeen magaaladaasi iyo nagwaaxigeeda.
Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) oo walaac xoogan ka muujisay rabshadaha sii kordhaya ee Daanta Galbeed ayaa sheegtay inaanan loo baahneyn awoodda xad dhaafka ah ee ay Israel u adeegsaneyso dhulka ay xoogga ku haysato.