Madaxweyne Erdogan oo hagaajinaya xiriirka Turkiga iyo Giriiga

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistan booqasho ku tegay dalka Giriiga, si uu u hagaajiyo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in uu waa cusub u furi doono xiriirka labada dowladood, ka dib sanado badan oo cadaawad ay ka dhex jirtay.

Turkiga iyo Giriiga ayaa muddo tobanaan sano ah isku khilaafsanaa arrimo ay ka mid yihiin halka ay khaanadaha qaaradooda ka bilaabanayaan & halka ay ku dhammaadaan, ilaha tamarta, duulimaadyada Badda Aegean iyo qowmiyad ahaan jasiiradda kala qaybsan ee Qubrus.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Caasimadda Athens u jooga, si uu u hagaajiyo xiriirka halkii ugu hooseeyay gaaray ee kala dhaxeeya dalka ay ka wada tirsan yihiin Gaashaanbuurta NATO.

Madaxweynaha ayaa siyaabooyin kala duwan ula kulmay Raysal Wasaaraha Giriiga, Kyriakos Mitsotakis iyo haweeneyda dalkaasi Madaxweynaha ka ah ee lagu magacaabo Katerina Sakellaropoulou.

Madaxweyne Erdogan ayaa Katerina Sakellaropoulou u sheegay "Waxaan aaminsanahay in kulanka istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Giriiga uu u horseedi doono xiriirkooda waa cusub. Waxaan u baahanahay inaan rajo ka qabno, rajadani waxay noqon doontaa mid miro-dhal ah mustaqbalka."

Erdogan ayaa intaasi raaciyay "Waxay noqon doontaa mid faa'iido badan mustaqbalka, haddii aan wax ka eegno muraayad nus buuxa ah."

Katerina Sakellaropoulou ayaa dhankeeda sheegtay "Haddii aan tixgelino waxa hareerahayaga ka dhacaya, waxaa lagama maarmaan ah in ka badan sidii hore in Giriiga iyo Turkiga ay si wadajir ah u xoojiyaan barwaaqada, ilaalinta nabadda & xasilloonida iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah."

Raysal Wasaaraha Giriiga ayaa isna yiri “Juqraafiga iyo taariikhda ayaa tilmaamaya inaan ku noolnahay isku xaafad, mararka qaarkood iska horimaado, laakiin waxaan dareemayaa masuuliyad taariikhi ah oo aan uga faa'iideysan karo fursadan, si aan u keeno laba dowladood oo is barbar-socda, si la mid ah xuduudahayaga."

Erdogan ayaa sheegay in uu damacsanaa in uu ​​laba jibaaro mugga ganacsiga ee labada dhinac, oo la gaarsiiyo toban bilyan oo dollar ($10B), halka uu hadda ka yahay shan dhibic shan bilyan oo dollar ($5.5B).

Khamiistan labada dal waxay saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan sii wadidda xiriir derisnimo oo wanaagsan.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee Erdogan uu ku taggo dalkaasi, tan iyo bishii December ee sanadkii 2017.

Xilligaasi Erdogan iyo Madaxweynihii hore ee Giriiga, Prokopis Pavlopoulos ayaa isku qabtay heshiiskii Lausanne ee 1923, kaas oo ku qotoma xuduudaha labada dal. 

Heshiiskan ayaa sidoo kale soo afjaraya go'doomintii 100 sano ka hor ay reer Yurub geliyeen dalka Turkiga.