Madaxweyne Putin oo jeediyay khudbad la wada sugayay

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta jeediyay khudbaddiisa sanadlaha, oo uu kaga hadlay arrimo badan oo qayb ka ah xurgufta dalkiisa kala dhaxeysa reer galbeedka iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Madaxweynaha ayaa reer galbeedka ku eedeeyay inay isku dayayaan in ay burburiyaan Ruushka, balse sida uu sheegay ay taasi ku hungoobi doonaan.

Waxa uu sheegay in Ruushku uu awood u leeyahay inuu garaaco dhammaanba bartilmaameedyada dalalka reer galbeedka ee sida uu sheegay cadowga ka dhiganaya Kremlin-ka.

"Waa inay ugu dambayntii fahmaan inaan sidoo kale haysano hub, wayna og yihiin, haddana waan ku celinaya waxaan haysanaa hub garaaci kara bartilmaameedyada dhulkooda." Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa xusay in cid kasta oo isku dayda inay ku soo duusho Ruushka ay la kulmi doonto cawaaqib xumo ka daran buu yiri dagaalkii labaad ee adduunka, bacdamaa dalkiisu uu hadda ka xoogan yahay, sida uu ahaa ku dhawaad qarni ka hor.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Moscow ay u baahan tahay in ay xoojiso ciidamadeeda ku sugan meelaha u dhow xuduudaha dalalka cusub ee NATO, haddii Finland iyo Sweden ay ku biireen xulafada NATO.

Finland waxay xuduud dhuleed oo dheer la leedahay Ruushka, taas oo dhirirkeeda uu gaarayo 1,340km

Khudbaddiisa oo si toos ah looga daawanayay shaashadaha caalamka ayuu ku soo hadalqaaday in shacabka Ruushka ay maanta ka mideysan yihiin hawlgalka gaarka ee militari ee ay militarigu ka wadaan sida uu yiri dalka Ukraine.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa dhanka kale sheegay inuu ku kalsoon yahay in Ruushka uu mustaqbalka dhow noqon doono mid ka mid ah afarta dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.

"Kobaca dhaqaalaha Ruushka waa in loo bedelaa kororka dakhliga dadka." Ayuu yiri Madaxweyne Putin oo amray in la kordhiyo rajada nolosha ee Ruushka, marka la gaaro sanadka 2030.

Waxa kaloo uu yiri "Celceliska rajada nolosha ee Ruushka ma aha 73 sano, waa in ay ahaataa ugu yaraan 78 sano, marka la gaaro 2030." 

Madaxweyne Putin ayaa intaasi ku daray in Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimo uu hiigsanayo inuu ballaariyo xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamka.

"Waxaan aaminsanahay in Ruushka uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Carabta iyo wadamada Latin America." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Ruushka.

Putin ayaa khudbaddiisan jeediyay laba toddobaad uun ka hor doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka dhaceysa.

Putin oo 71 jir ah ayaa la filayaa in uu ku guuleysto doorashada bartamaha bisha soo socoto ee March ka qabsoomeysa dalkaasi.