Madaxweyne Putin oo Ukraine uga digay xaalad aysan ka lug bixi karin
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in Ukraine cadow looga dhigay dalka ay deriska yihiin ee Ruushka, taasna ay keentay inay wajahaan xaalad ay adag tahay inay si dhakhsa ah uga soo kabtaan.
Militariga Ruushka ayaa habeen hore bartilmaameedsaday kaabeyaasha tamarta ee dalkaasi, taas oo Madaxweynaha Ruushka uu sheegay inay jawaab u ahayd weerarkii Ukraine ay bartamihii bishan ku soo qaadday dalkiisa.
"Weerarku wuxuu jawaab u ahaa gantaalada ATACMS ee Mareykanka ee Ukraine ku soo weerartay dalkeenna." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Militariga Ukraine ayaa 19-kii bishan gantaalada ATACMS ku weeraray bartilmaameed ku yaala gudaha Ruushka, maalin uun ka dib, markii Madaxweyne Joe Biden uu markii ugu horreysay ogolaaday in gantaaladii ay siiyeen Kyiv lagu weerari karo bartilmaameedyada gudaha ee Ruushka. Ukraine oo iska dhega tirtay digniintii uu horey Ruushka uga soo saaray inaanan dalkiisa lagu soo weerari karin gantaalaha ridada dheer ee reer galbeedka ayaa illaa sideed gantaalada ATACMS ku weerartay xarun militari oo ku taala magaalada yar ee Karachev ee Gobolka Bryansk.
Madaxweyne Putin ayaa Khamiistii sheegay in ciidamadiisu ay garaaceen 17 goobood, oo isugu jira sida uu yiri xarumo ciidan, warshadaha difaaca iyo kaabeyaasha tamarta ee Ukraine.
"Sida aan marar badan sheegay, had iyo jeer waxaa jiri doona jawaab ka timaada dhinaceenna, mar kasta oo na lagu soo weeraro gantaalada ATACMS iyo gantaalada kale ee reer galbeedka." Ayuu yiri Putin.
Dhanka kale Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay adeegsan doonto dhammaan hannaankeeda wax burburinta, haddii Ukraine ay dal kale ka hesho hubka nuclear-ka.
Putin oo ka jawaabayay warbixin dhawaan suuqa soo gashay oo sheegeysay in saraakiisha reer galbeedka qaarkood ay Madaxweynaha Mareykanka u soo jeediyeen inuu hubka wax gumaado siiyo Ukraine, ka hor inta aanu xafiiska ka tagin bisha January ee sanadka 2025.
Putin oo ka hadlayay shir uu kaga qaybgalay magaalo madaxda dalka Kazakhstan ee Astana ayaa sheegay in dalkiisu uusan ogolaan doonin in Ukraine ay noqoto dal ku hubeysan nuclear.
Putin ayaa dalalka NATO uga digay in ay bixiyaan hubkaasi, haddii kalena ay noqon doonto in lagu xadgudbay heshiiskii uga yeelay xakameynta hubkaasi.
Putin ayaa Ukraine uga digay inay ku dhacdo xaalad aysan hadhow ka dabaalin karin, dhibaatadana ku sii kordhineysa..
"Ma ogolaan doono in hubkan uu ku dhaco gacanta Ukraine. Waxaan la socon doonnaa tallaabo kasta oo waxa halkaas ka dhacaya ah." Ayuu yiri Putin.
Ukraine ayaa noqotay meel ay ku dagaalamaan Ruushka iyo NATO, si ay awoodahooda ugu muujiyaan.
Dad badan ayaa qaba in dagaalku aanu intaan soo gaari lahayn, haddii aysan reer galbeedku taageero militari iyo mid maaliyadeedba ku bixin lahayn dagaalkan.