Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay duqaynta lala beegsaday Daacish
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay weerarka xagga cirka ee saacadihii dambe ee Sabtidii lagu bartilmaameedsaday deegaanada ay maleeshiyada Daacish kaga sugan yihiin Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalkan uu ka tarjumayo iskaashiga adag ee ay Somaliya iyo Mareykanka ka leeyihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada, isla-markaana ay gacan ka gaysaneyso ciribtirka halis kasta oo wax u dhimeysa xasilloonida dalka iyo gobolkaba.
"Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Somaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka gaysaneysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimeysa xasilloonida dalkeenna iyo gobolka guud ahaan. Waxaan si qoto dheer ugu mahadcelinaynaa Dowladda Mareykanka." Ayuu yiri Madaxweynaha oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalka ay si wadajir ah isaga kaashadeen labada dowladood.
"Hawlgalkan waa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda hoggaanka iyo awoodda hawlgal ee ISIS, taasoo si toos ah u dhaawaceysa kartidooda fulinta falalka argagixisada. Beegsiga shakhsiyaadka muhiimka ah ee dagaalka waxay xoojineysaa, sida Somaliya iyo Mareykanka ay uga go’an tahay sugidda amniga, xasillinta gobolka iyo ka hortagga fiditaanka kooxaha xagjirka ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka laguma sheegin magacyada Saraakiisha Daacish ee duqaynta lagu beegsaday.
Madaxtooyada Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in weerarka lagu dilay xubno sarsare oo ka tirsan Ururka ISIS (Daacish), inkastoo aan lagu sheegin waxa ay xubnahaasi kala yihiin.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay qiimeynayaan khasaaraha.
"Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada hawlgalkan, waxaana ka bixin doonnaa macluumaad dheeri ah sida ku habboon." Ayuu talisku ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Duqayntan ayaa lagu garaacay saldhigyada iyo fariisimaha ay maleeshiyada Daacish ku leeyihiin Buuraleyda Calmiskaad.