Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaan hoostagga Degmada Jamaame

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad booqasho ku jooga Jubbaland ayaa maanta booqday deegaanka Maleeyleey, oo hoostagga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose. Jamaame waxay ka mid tahay magaalooyinka ay muddada dheer gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

"Madaxweynaha ayaa u kuurgalay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaanka, isaga oo halkaasi kaga qaybgalay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay wafdigiisa." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo uu wehliyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhagax-dhigay waddada laamiga ee isku xirto Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, taasi oo masaafo ahaan dhan 120km.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland in ay ka qayb qaataan dhismaha waddadaan, oo kaalin mug leh ka qaadan doonta fududeynta isku socodka ganacsiga & dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jubbaland u jooga, sidii wejiga labaad ee hawlgalada looga bilaabi lahaa deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.