Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada Macawiisleyda ee la keenay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Isbitaalka Martiini (Demartino) ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ee xaaladda caafimaad loogu soo qaaday caasimadda.

Sideed iyo afartankii saac ee u dambeysay ayaa diyaarado helicoptero ah dhaawacyada Macawiisleyda lagu keenay Muqdisho, ka dib markii ay ku dhaawacmeen dagaaladii Sabtidii iyo Axaddii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiiseyda ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo u kuurgelayay xaaladda caafimaadeed ee Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ku booqday isbitaalka lagu la tacaalayo xaaladdooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, isla-markaana ay ka go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idiin garab taagan tahay." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ka dib kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalkan oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, isagoona warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalkaasi oo soo bandhigay adeegyada dadweyne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar.