Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Uganda

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo lagu wado in uu tababar ugu soo xiro cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe, isagoona dowladda iyo shacabka Uganda uga mahadceliyay doorka ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska Ciidamada Soomaaliyeed, xilligan oo dagaal adag ay kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee ciidamadeennu ay ka soo hooyeen hawlgalada dalka looga xoreynayo argagixisada Al Shabaab." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aasaas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul degdeg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal ugu jira, sidii wejiga labaad ee hawlgalada ka dhanka maleeshiyada Shabaabka looga bilaabi lahaa deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.