Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo.

Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Jubbaland ayaa la xiriira, sidii loo dardargelin lahaa hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

"Madaxweynaha ayaa u kuurgelaya xaaladda deegaanada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardargelinta wejiga labaad ee xoreynta dalka, oo qorshuhu yahay in argagixisada Al Shabaab laga saaro deegaanada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabellada Hoose, Bay iyo Bakool." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay "Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhageysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Somaliya iyo horumarka dalka."