Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safar uu ku tagayo dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Kismaayo ayaa shir jaraa'id kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo safar uu ugu ambabaxayo dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo Arbacadii gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xalay illaa saaka ay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) yeesheen shirar muhiim ah, ay isaga wareysanayeen xaaladda guud ee dalka, horusocodka dalka, dowlad dhiska iyo sidii loo xoreyn lahaa dhulka maqan ee ay maleeshiyada Al Shabaab ka arrimiyaan.

"Dalka Somaliya meel dheer ayuu ka yimid, meel buu marayaa, meel kalena ayuu u socdaa, rajadiisuna aad iyo aad ayay u fiican tahay." Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha oo ka garab hadlayay Axmed Madoobe ayaa yiri "Sida Madaxweynuhu uu tilmaamay Jubbaland waa meesha maska madaxiisa uu yaalo, waa meel shaqo badan oo aad iyo aad u adag laga qabto u baahan, howlahaas haddana way socdaan oo deegaano badan oo Jubbaland ah ayaa la xoreeyay, kuwo kale ayaana hadda socdo. Fatahaadihii ayaan dhaweyd ayaa hakad badan keenay oo waddooyinkii iyo buundooyinkii ay ku xirmeyn. Dhulkan sidaad ogtihiin waa dhul aad iyo aad barwaaqo u ah webiyadu, biyo mareenadu iyo biyo daggeenadu intaba ay ku badan yihiin. Insha'Allah waa laga soo kabanayaa, Dowladda Federaalkana Jubbaland way garab istaageysaa, sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas ay gaysteen, dadkiina ay noloshooda caadi ugu soo noqoto, la dagaalanka argagixisadana aad iyo aad ugu sii fududaado, haddii Alle yiraahdo."

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay safar uu dhawaan ugu ambabaxayo Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya, halkaas oo ay ka qabsoomayaan shirar muhiim u ah Somaliya.

"Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego, dhawaan waxaan safar ku tagaynaa aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Midowga Afrika, meeshaas saddex shir oo aad iyo aad muhiim u ah ayaa ka jira. Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Afrika oo ay isugu imaanayaan madaxdii, waxa kaloo halkaasi ka jira shir IGAD ah oo dhinac yaalo shirkaasi oo Madaxda IGAD ay gooni ugu shiri doonto iyo shir waxaa ka jira East African Community Trade (Suuqa Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika) oo iyadana madaxdeedii ay gooni u shireyso." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegaya inaanu waxba iska bedelin mowqifka Somaliya ee ku aaddan fara-gelintii ay Dowladda Itoobiya ku soo sameysay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliya.

"Marka shirarkaas oo dhan muhiim ayay Somaliya u yihiin, waxaana u tagaynaa waa shirarkaasi inaan ka qaybgalno iyo dabcan farriinteenna aan wadno inaan gudbino, oo ah dalka Somaliya waa dal gob oo xor ah oo dowlad leh waaye, lama fara-gelin karo. Arrintaas oo waayahaan dambe ay Itoobiya ku dhaqaaqeysayna weli mowqifkeedii meesha ayuu naga taagan yahay, waana mowqif ay adag tahay, si aan uga tanaasulnaana aysan u muuqanin." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaasi ku daray "Farriintaas ayaana caalamka meel kastoo uu joogana aan la wadaagaynaa, horeyna ula wadaagnay."

Safarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Madaxweynuhu uu ku taggo dalkaasi, tan iyo intii ay xiisadda ka soo dhex cusboonaatay labada dal.