Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Senator Cabdirisaaq Cismaan Xareed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Senator Cabdirisaaq Cismaan Xareed, oo ka tirsanaa Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle u waydiiyay marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed." Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Senator Cabdirisaaq Cismaan ayaa Baarlamaanka Federaalka ka soo galay Galmudug, isagoona ka mid ahaa 8-da Senator ee Galmudug ku metela Aqalka Sare.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa 13-kii bishii November ee sanadkii 2021 u doortay in uu noqdo Senator ka tirsan Aqalka Sare, markaas oo uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Mahad Aadan Guuleed.

Senator-ka ayaa 26-kii bishii April ee sanadkii 2022 u tartamay jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare, inkastoo uu tartanka doorashadaasi ku guuleystay Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).