Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo iyo askar kale oo ku dhaawacmay qarax

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, Kaptan Cali Aadan Maxamed (Cali Taagey) iyo askar kale oo lagu sheegay ilaaladiisa ayaa caawa fiidkii ku dhaawacmay qarax lagu la beegsaday gudaha Magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen uu qaraxa ku haleelay agagaarka Baanka Dhexe ee Baydhabo.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax xoogan iyo rasaas daba socotay oo ciidamada ammaanka ay fureen, isla-markaana ay dib ka ogaadeen in la bartilmaameedsaday gaari Qooqan oo uu la socday Taliye Cali Taagey.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliye Cagey oo dhaawac aad u fudud uu soo gaaray iyo saddex askari oo kale in dhaawacooda la gaarsiiyay Isbitaal Goboleedka Baay ama Isbitaalka Guud ee Baydhabo.
Inkastoo laamaha amniga aysan weli ka hadlin qaraxan, haddana dadka deegaanka ayaa isla dhex maraya in uu ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay ama bambada nooca gacanta laga tuuro.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, marka laga tago in uu jiro tuhun ku aaddan in ay gaysteen maleeshiyada Al Shabaab amaba ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Si kastaba ha-ahaatee ciidamada amniga oo baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen qaraxaasi.


