Taliyaha Ciidanka Dhulka oo toddobaadkii labaad ku sugan Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar oo toddobaadkii labaad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa weli ka shaqeynaya isku-dubaridka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, oo la doonayo in ay hawlgal xasillin ah ka bilaabaan deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo 12-kii bishan ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ayaa magaalada u tegay qorsheynta hawlgal dhul iyo cir isugu jira, oo laga sameeyo deegaanada ku teedsan Baydhabo ee loo arko in laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah magaaladaasi.
Hawlgalkan ayaa ah mid lagu adkeynayo amniga magaalada, iyadoo ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo maleeshiyada Al Shabaab laga fogeynayo deegaanada ku xeeran Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka, Birmadka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed in loo abaabulayo in ay ka hortaggaan khatarta weerarada Al Shabaab iyo taageereyaasha Laftagareen, ka dib markii lagu eedeeyay inay si wadajir ah isaga kaashadeen weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Baydhabo kala shaqeynaya hawlgalka lagu sugayo amniga magaalada iyo deegaanada ka baxsan.
Saraakiisha Madaxtooyada Baydhabo ayaa laga soo xigtay in qorshaha hawlgalka uu yahay in si adag loo difaaco magaalada, si Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu u guto waajibaadkiisa shaqo.
Hawlgalka cusub ayaa ah feker ka yimid Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, iyadoona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay.
Aadan Madoobe ayaa doonaya in xoogaga u daacadda ah Laftagareen aanay wax joogitaan ah ku yeelan bannaanada Baydhabo, si loo dhimo amaba meesha looga saaro culeyska amni ee ay ku hayaan magaalada.
Baydhabo ayaa la sheegay in toddobaadkii hore la geeyay ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, si ay kordhin ugu noqdaan ciidamadii horey ugu sugnaa magaaladaasi.
Kumaandooska Gorgor, Danab, Polizia Militare, Haramcad, cutubyo ka tirsan Guutada 8aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta iyo Birmadka Koonfur Galbeed ayaa haatan fariisimo ku leh afaafka hore ee Baydhabo, waxaana hadda laga shaqeynaya qorshe la rabo in ay uga aag bedeshaan, iyagoo degaya goobo ka durugsan magaalada.
Saraakiisha Qaybta 60aad ayaase kuu sheegaya in hawlgalka duleedka Baydhabo uu dib-u-dhac la kulmi karo, sababo la xiriira xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka soo kordhay Gobolka Hiiraan.
Xiisadda siyaasadeed ee madaxda sare ee dalka kala dhexeysa siyaasiyiinta gobolkaasi ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, taas oo laga cabsi qabo in ay wiiqdo wada-shaqayntii dhanka amniga.


