Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Maadey Nuurey Sheekh, Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyay Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka.

"Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyay sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Warka ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqangalay maanta oo Isniin ah, 18-ka September 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud."

Magacaabistan ayaa imaanaysa, iyadoo ciidamadu ay bartamaha dalka ka wadaan hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.