Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Tamarta Turkiga

Wasiirka Tamarta & Khayraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka iyo xubnaha la socdaba ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada.

Wafdiga Turkiga ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka munaasabadda soo dhaweynta ah ee loo sameynayo markabka Oruc Reis ee ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Markabkan ayaa lagu wadaa in howlo shidaal sahmin ah uu ka bilaabo qaybo ka mid ah xeebaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.