Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dalka uu ka bilaabanayo guluf lagu soo afjarayo Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu meel wanaagsan u marayo hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay Magaalada Baydhabo, ka dib markii lagu soo geba-gabeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa uu sheegay in dhawaan uu dalka ka bilaaban doono hawlgal uu sheegay in maleeshiyadaasi lagaga saarayo goobaha ay ka joogaan dalka.

"Waxaa meel fiican mareysa dib-u-xoreyntii dalka oo runtii howl aad iyo aad u culus ah, dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay u istaageen, kuwa ay ka qaybgaleen, kuwana ay u diyaargaroobeen." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ku ammaanay inay si firfircoon uga qayb qaadanayaan dagaalkan dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

"Ma jiro qof Soomaali ah oo caawa Somaliya degan/jooga oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka. Mid diyaargaroobay, mid hadda diyaargaroobaya, mid dagaalkii galay iyo mid dagaalka uu geba-gabo u marayo, intaba dadka Soomaaliyeed mahadi haka gaarto." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowlad Goboleedyadu ay iska kaashan doonaan gulufkan, oo sida uu sheegay mar dhow lagu xoreyn doono dalka oo idil.

"Dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dagaalka waa ku wada jiraan, kuwana dagaalkiiyaa si xoog leh uga dhacay oo geba-gabo ayay marayaan, kuwana hadday bilow yihiin, laakiin kuwa hadda bilowga ah ama diyaargarowga ku jiray laftooda qayb bay ka ahaayeen kuwa kale, markay dagaalka dhexda uga jireen, ka qayb qaadashadana waa noocyo badan tahayee hadba intii duruufta ay saamaxeysay ayaa looga wada qaybgalay, inta dhimana sidaasoo kale ayaa looga wada qaybgalayaa, dalkuna mar dhow waa xoroobayaa dhammaantiis, Ilaahay idinkiis." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya, xilli abaabul ciidan laga soo sheegayo deegaanada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug.