Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo, oo ay kaga qaybgelayaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa siyaabooyin kala duwan Garoonka Shaati-gaduud ugu soo dhaweeyay wafdiga Labada Madaxweyne.

Labada Madaxweyne ayaa Baydhabo u tegay ka qaybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku yeelanayaan magaaladaasi.

Shirka Baydhabo oo noqonaya kiisii 5aad, ee ay Golaha Wadatashiga Qaran yeeshaan ayaa la filayaa in madaxdu ay heshiis kaga gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka.

Inta badan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa caawa ku hooyanaya Baydhabo, marka laga soo taggo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).