Mareykanka oo hub ugu deeqay Dowladda Somaliya

Diyaarad nooca militariga oo sidday hubkan ayaa maanta ka soo degatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen Saraakiil ka socotay Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Somaliya iyo weliba Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga & Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kuxigeenka Danjiraha Mareykanka ee dalka, Tim Trenkle ayaa sheegay in qalabkan militari lagu xoojinayo tababarada Ciidanka Kumaandooska Danab iyo weliba dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo u mahadceliyay Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay taageeradan wax weyn ka tari doonto dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

"Taageerada maanta ay saaxiibadeen soo gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Danab waxay runtii lafdhabar u tahay ama ay muhiimad gaar ah ka qaadan doontaa la dagaalanka argagixisada." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa yiri "Muhiimadda ay noo leedahay taageeradan kuma soo koobi karno erey aan afka ka dhahno, waxaana u mahadcelinaynaa Safaaradda Mareykanka ee Somaliya, oo runtii aan dhihi karno waxay waqtiyadii la soo dhaafay ay muhiimad gaar ah siineysay garab istaagga Dowladda Soomaaliyeed, garab istaagga dib-u-dhiska iyo taageerada lagu xoojinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Ciidamada Danab, oo aad ogtihiin muhiimadda gaarka ah ay u leeyihiin Qaranimada Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada dhiig miiratada ah ee dadka Soomaaliyeed dhibaateenaysa."

General Odawaa Yuusuf ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Maantay Dowladda Mareykanka inay na soo gaarsiiso taageeradan dhinaca saanadda hubka, waxaan dhihi karaa waxay lafdhabar u noqon doontaa ama ay xoojin doontaa dadaalada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay xoojin doontaa tayada Ciidamada Gaarka ah inay wax weyn ka bedesho ayay xoojin doontaa, waxayna sare u qaadi doontaa iskaashiga iyo la dagaalanka nimankan Khawaarijta ee argagixisada ah."

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya ka taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka maleeshiyada Al Shabaab, waana mid ka mid ah dalalka saaxiibada caalamiga ee Villa Somalia ka caawiyo dib-u-dhiska iyo xoojinta tayada Ciidamada Qalabka Sida.