Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah oo maanta go'aan ka soo saareysa dacwadda Israel

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa lagu wadaa in maanta ay go'aankeedii ugu horreyay ka soo saarto dacwadda xasuuqa ee ay Koonfur Afrika ka soo gudbisay Maamulka Israel.

Allan Ngari oo ka tirsan Hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegay in maxkamaddu ay Jimcahan ku dhawaaqi doonto amarkeeda, iyadoo laga jawaabayo codsiga muujinta tallaabooyinka ku-meel-gaarka ah ee ay soo gudbisay Koonfur Afrika ee kiiska xasuuqa ka dhanka ah Israel.

Dowladda Koonfur Afrika oo walaac ka muujisay ololaha ballaaran ee Militariga Israel ka wadaan Marinka Gaza ayaa 29-kii bishii December Maxkamadda ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah gumaadka ay Israel ku hayso dadka reer Gaza.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maanta ay ku dhawaaqi doonto oo keliya tallaabooyin ku-meel-gaar ah ama xaalad degdeg ah oo lagu joojinayo colaadda Gaza, iyadoona weli ay ka baaraan-degayso kiiska xasuuqa.

Maxkamadda ayaa 11-kii bishan dhageysatay qareenada ka socda dhanka Koonfur Afrika, halka 12-kii bishana ay dhageysatay qareenadii Israel.

Qareenada Koonfur Afrika ayaa maxkamadda ka codsaday in ay Israel ku amarto inay joojiso duulaankeeda Gaza, isla-markaana ay ogolaato in gargaar ku filan la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Koonfur Afrika ayaa ku andacooneysa in Israel ay jebisay heshiiska axdiga mamnuucaya xasuuqa. 

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii sheegay inay filayaan in maxkamaddu ay daaqadda ka tuurto eedeymaha Koonfur Afrika.

Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobey ayaa Israel ku amri karta inay joojiso duulaanka ka dhanka ah dhulka Falastiiniyiinta.

Koonfur Afrika iyo Israel ayaa ka mid ah dalalka saxiixay axdiga mamnuucaya xasuuqa. Axdiga ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa waxaa ansixiyay 153 dalka.

Israel ayaana saxiixday axdiga ka hortagga xasuuqa, iyadoo ka duuleysa xasuuqii uu Hoggaamiyihii Naasigii Jarmalka, Adolf Hitler u gaystay Yahuudda.

Go'aanka maxkamadda oo aan wax rafcaan ah lahayn ayaa go'aanada ay gaarto waxaa fuliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waa midda ugu sarreysa Qaramada Midoobey, marka ay noqoto dhinaca sharciga ee caddaalad helidda, waana Maxkamadda ICJ oo go’aan ka gaarta khilaafaadka soo kala dhex gala dowladaha.