Maxkamadda Ciidamada oo toogatay saddex nin, oo uu ku jiro darawalkii General Dhega-badan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex nin, oo uu ku jiro Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, kaasoo ahaa darawalka Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay 12-kii bishii January ee sanadkan, ka dib markii loo soo xiray qaraxyo uu gawaari ku soo geliyay Magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa lagu helay in uu gawaaridaasi ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi, sida Village Hotel & Restaurant 14-kii bishii January ee 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar Weyne February 4-teedii 2019, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019 iyo Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

Ninka labaad ee la toogtay waa Maxamed Cabdinuur Jiirow Hagar (Dr. Fanax), kaasoo muddo dheer ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Ninkan ayaa lagu helay ku lug lahaanshaha dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira tukhasus uu in muddo ah bulshada kaga dhex shaqeynayay & weliba sheegashada darajooyin ciidan.

Ciidamada Dowladda ayaa 13-kii bishii March ee sanadkii hore ka soo qabtay Magaalada Beledweyne, isagoona muddadii uu Shabaabka ka tirsanaa ka soo shaqeeyay Gobolada Hiiraan, Banaadir, Jubbooyinka iyo Gedo. Maxkamadda Militariga ayaana 19-kii bishii January ku xukuntay dil toogasho.

Ninka saddexaad ee lagu toogtay Magaalada Muqdisho waa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow). Maxkamadda ayaana sheegtay inay ku heshay in uu koox Shabaab ahi uu u gudbiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaa oo weerar ka gaystay garoonkaasi 23-kii March ee sanadkii 2022.

Biyamaalow oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayay Maxkamadda Ciidamada xukun dil ahi ku xukuntay 14-kii bishii December ee sanadkii hore.