Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay masuuliyiintii la soo eedeeyay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go'aan ka gaartay kiiska 11 Saraakiil Dowladeed ah, (sagaal xiran iyo laba maqane ah), oo horaan uu soo eedeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa bishii July dacwad ku soo oogtay 18 Sarkaal, oo xafiisku sheegay in loo haysto eedo kala duwan, oo ay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, lunsasho & leexsasho xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, dayacaad waajibaadkii saarnaa iyo ka faa’iideysi Xafiis Dowladeed.

Eedeysaneyaasha ayaa u badan xubno xilal ka hayay Dowladda Federaalka, sida Agaasimeyaal, masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Ruqsad Siinta Ajaaniibta iyo Canshuuraha.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay go'aanka Maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay wax caddeymo ah ku weyday dhammaan qodobadii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo oogay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali, waxaana uu dib u helay xorriyadiisa.

Maxkamadda ayaa sidoo kale wax dembi ah ku weyday Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo maqane ah, iyadoona ka bari-yeeshay dhammaan eedeymihii loo haystay. 

Maxkamadda ayaa Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo maqane ay ku heshay qodobada qaar ee lagu soo eedeeyay, waxaana ay ku xukuntay wadar ciqaabeed dhan sagaal sano oo xarig ah, sidoo kale waxay ka joojisay inuu xil ka qabto Xafiis Dowladeed.

Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan ayay isna maxkamaddu ku weyday dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay xorriyadiisa.

Maxkamadda ayaa Cabdullaahi Maxamuud Cosoble ku weyday qodobada qaar ee lagu soo eedeeyay, waxayse taasi bedelkeeda ku heshay qodobadii kale ee lagu soo oogay, sidaasi daraadeedna waxay ku xukuntay hal sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa hal sano oo xarig ah ku xukuntay Cumar Macalin Nuur Cali, ka dib markii ay ku heshay qodobadii qaar ee lagu soo eedeeyay.

Saddex sano iyo lix bilood oo xarig ah ayay sidoo kale maxkamaddu ku xukuntay Saabir Xasan Cabdinuur, markii ay ku heshay qodobada qaar ee lagu soo dacweeyay.

Aadan Maxamed Cabdi ayay maxkamaddu ku weyday dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, kaas oo ay maxkamaddu dib u siisay xorriyadiisa.

Abuukar Maxamed Cali ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan sideed sano oo xarig ah, ka gadaal markii lagu helay eedeymihii uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Maxkamadda ayaa Abuukar Maxamed Cali ka joojisay qabashada shaqo dowladeed.

Waxaa dhammaan ay maxkamaddu ku weyday eedeymihii lagu soo oogay Cabdiqaadir Cabdi Socdaal, kaas oo ay dib ugu celisay xorriyadiisa.

Maxamed Aadan Cabdullaahi waxa ay maxkamaddu ku heshay qodobada qaar ee lagu soo eedeeyay, iyada oo ku xukuntay sideed bilood oo xarig ah.

"Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan rafcaan ku siman, inta uu sharcigu tilmaamay. Xukunkan waxaa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka bisha September 2023." Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.