Militariga Israel oo dadka ku leynaya xerada qaxootiga Jabalia ee Marinka Gaza

Ciidamada Militariga Israel oo maalmihii ugu dambeysay hareereeyay xerada qaxootiga Jabalia ee Marinka Gaza ayaa waxaa la sheegaya in halkaasi ay duqaymo xoogan ka gaysanayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay taangiyadooda ku gadaameen dhismayaasha xerada qaxootiga ee ugu weyn ee ku taala Marinka Gaza, gaar ahaan dhanka waqooyi ee magaalada.

Muuqaalo barraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya dad ka badbaaday duqaynta oo argagaxsan.

"Dadkii ka badbaaday duqaymaha Israel, waxay taagan yihiin dhiig iyo jahwareer." Ayuu ku waramay Telefishinka Al Jazeera.

Al Jazeera ayaa Jimcahan bogeeda hore ku daabacday "Carruur argagaxsan ayaa laga soo qaaday burburka dhismayaasha burburay, waalidiintu waxay la ilmeynayaan meydadka dhallaankii dhashay ee dhintay."

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay daraasiin qof ku dileen xerada Jabalia, oo aan la ogayn sababta ay weerarka ugu hayaan.

"Xasuuqa ayaa meel walba ka jira, barakacayaasha waxaa lagu dilayaa waddooyinka." Ayuu yiri nin ka soo muuqday muuqaal goobta laga soo qaaday, oo gacanta ku haya wiil yar oo uu dhalay.

Ciidamada Israel ayaa qabqabtay boqolaal dhallinyaro reer Falastiin ah, iyagoo qaawiyay, una kaxeystay goob aan la garanayn.

Muuqaalo ayaa muujinaya ciidamada oo dhallinyaradaasi ku kaxeysanaya gaadiidkooda militariga.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in ay ciidamadoodu soo xirxireen boqolaal ka mid ah, waxa uu ku sheegay kooxaha argagixisada, qaar kaloo badana ay isa soo dhiibeen, warkaas oo aysan jirin cid ka madaxbannaan Israel oo xaqiijin karta.

Qaramada Midoobey ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay barakaciyeen shan iyo sideetan boqolkiiba (85%) dadka Gaza, isla-markaana ay la'yihiin goobo ammaan ah oo ay ku nabadgalaan, ayna ku heli karaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Tirada dadka ku nool Marinka Gaza oo dhan 2.3 milyan oo qof ayaa waxaa barakacay 1.9 milyan oo ka mid ah, sida ay shaacisay Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA.

"Tirada dadka ka barakacay guryahooda ayaa afar jeer ka badan awoodda, mana jirto gargaar ku filan oo lagu dabooli karo baahiyaha xad dhaafka ah." Ayay lagu sheegay war ay soo saartay Hay'adda UNRWA.

Xilli Ciidamada Israel ay hawlgalkooda diiradda ku saarayaan dhanka koonfureed ee Gaza, gaar ahaan Khan Yunis, haddana Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa sheegaya in hawlgalku uu si garbo siman uga socdo labada daamood ee Marinka Gaza.

Xildhibaan Don Davies oo ka tirsan Baarlamaanka Canada, xubina ka ah xisbiga garabka bidix ee New Democratic Party ayaa Israel ku dhalleeceeyay in ay Gaza ka waddo xasuuq dhaqameed.

"Israel waxay hadda adeegsataa teknoolajiyadda casriga ah, si ay u beegsato oo ay u disho aqoonyahanada Gaza ee hormuudka ka ah, qoreyaasha, taariikhyahanada, gabayaaga, fannaaniinta, saxafiyiinta iyo macalimiinta." Ayuu Don Davies ku sheegay bartiisa X.

"Kuwani maaha Hoggaamiyeyaasha Xamaas, tani waa xasuuq dhaqameed. Dunidu waa inay soo fara-gelisaa, si loo joojiyo dembiga arxan-darada ah ee ka dhanka ah aadanaha." Ayuu sii raaciyay Davies.

Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya, saacado uun ka dib, markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ciidamada Israel ay Gaza ku dileen aqoonyahan Falastiini ah iyo Abwaan Refaat Alareer.

Channel-ka Al-Aqsa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram-ka ku shaaciyay geerida Dr. Rifaat Al-Arair, oo ka mid ahaa howlwadeenada caanka ah ee Suugaanta Ingiriisiga ka dhigga Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza.

Afhayeenka Raysal Wasaaraha Israel ee dalalka Carabta, Ofir Gendelman ayaa sheegay in dagaalka Gaza uu soo afjarmi doono, kolka ay isa soo dhiibaan Hoggaamiyeyaasha Ururka Xamaas, lana soo sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza waxaa muuqata in midba midda kale ay ka argagax badan tahay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo markii ugu horreysay adeegsaday qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku booriyay in ay qaadaan tallaabo lagu joojinayo duulaanka Israel ee Marinka Gaza.