Nin ka tirsan Amniyaadka Shabaab oo lagu soo bandhigay Kismaayo

Saraakiisha Hay'adda Nabad Sugidda Jubbaland ayaa soo bandhigay nin dhallinyaro ah, kaas oo sida la sheegay ka tirsan Amniyaadka Al Shabaab.

Ciidanka Nabad Sugidda ayaa ninkan ka soo qabtay guri ku yaala xaafadda Shaqalaha ee Magaalada Kismaayo, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen.

Bashiir Nuur Bashiir ayaa hadda lagu haya xarumaha laamaha amniga ay ku leeyihiin Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Bashiir Nuur ayaa Warbaahinta u sheegay in uu ku soo tababartay duleedka Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, loona soo diray in uu falal amni darro ka gaysto Magaalada Kismaayo.

Xubnaha qoyskiisa ee degan Kismaayo ayaa sheegay inaanay waxba kala socon in uu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab.