Nin wadaad ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha ciyaal weerada ayaa xalay Degmada Kaaraan ku dilay nin wadaad ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid Macalin Cabdullaahi ayaa lagu dilay xaafadda Buurka Diikow, wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid, kuna sii jeeday hoygiisa oo ku yaala xaafadaasi.

Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay inay dhowr jeer toorey kala dhaceen qaybaha sare ee jirkiisa, ka hor intii aanay goobta ka baxsan.

Dadka deegaanka oo dhaawac ahaan goobta uga qaaday ayaa markii dambe ku geeriyooday goobaha caafimaadka.

Ciidamada amniga oo gaaray goobta lagu dilay marxuumka ayaa waxaan jirin cid ay dilkiisa u soo qabteen.

Kooxaha ciyaal weerada ayaa xilliyada habeenkii dadka shacabka ah ku baarta xaafadaha magaalada, iyagoona mararka qaarkood gaysta dilal argagax leh.

Ciyaal weerada oo koox koox u abaabulan ayaa horaantii sanadkii hore ka dilaacay Caasimadda Muqdisho, waxa ayna qayb weyn ka yihiin falalka liddi ku ah amniga magaalada.

Kooxahan ayaa ku hubeysan mindiyo iyo faasas.