Portugal oo ku biireysa hawlgalka Midowga Yurub ee lagu la dagaalamayo Xuuthiyiinta

Dowladda Portugal ayaa xaqiijisay inay ka qayb qaadan doonto kaalinteeda kaga aaddan hawlgalka uu abaabulayo Midowga Yurub ee la doonayo in lagu la dagaalamayo weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Portugal, João Gomes Cravinho ayaa sheegay in dalkiisu uu ka qayb qaadan doono hawlgalka Midowga Yurub ee lagu ilaalinayo maraakiibta mareysa Badda Cas.

“Portugal waxa ay taageeri doontaa hawlgalkan, si ay qayb uga noqoto ilaalinta dhoofinta." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Portugal.

Wasiirku ayaan kala caddeyn waxa ay noqon doonto kaalintooda, balse aanu dalkiisu ka hari doonin dadaalada lagu xaqiijinayo badqabka shixnadaha ganacsi ee Badda Cas.

Diblomaasiyiinta Midowga Yurub ayaa sheegaya in weerarada ka sii socda Badda Cas ay wiiqayaan badeedaha ganacsi ee kaga imaanaya Aasiya.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa horaan sheegay in dhammaadka xiisadda Badda Cas ay ku xiran tahay in Israel ay soo afjarto weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.

Xulafada Israel ee reer galbeedka oo fahamsan waxa ay Xuuthiyiinta doonayaan ayaan diyaar u ahayn in ay Israel ku cadaadiyaan inay soo geba-gabeyso duulaankeeda Gaza, balse taasi bedelkeeda ay door bidayaan inay Xuuthiyiinta la galaan dagaal uu cawaaqibkiisu noqon karo mid daran.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii November bilaabay inay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee u socda dekedaheeda, iyagoo markaasi ka jawaabaya ololaha militari ee ay Israel ka waddo dhulka Falastiiniyiinta.