Puntland oo sheegtay inay meel uga soo hareyso Daacishta Somaliya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalka dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Daacish, isla-markaana aysan joojin doonin, illaa iyo inta laga xaqiijinayo guusha dagaalka oo dhow dhow.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya in hawlgalka oo wejigiisii saddexaad uu gebo-gabo ku dhow yahay uu sii socon doono.

Ciidanka Puntland ayaa ku guuleystay in muddada afarta bilood ee hawlgalka uu socdo ay Daacish ka saaraan inta badan dhulkii ay kaga sugneyd Buuraleyda Calmiskaad.

Ciidamada ayaa Daacish ka sifeeyay aagagga bariga iyo bartamaha ee Calmiskaad, waxa ayna hadda kula dagaalamayaan qaybaheeda galbeed.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada Boosaaso ka sheegay in ciidamadoodu ay noqdeen kuwo ka sheegan caalamka, bacdamaa ay muddo kooban awood ahaan ku wiiqeen urur argagixiso oo khatar badan.

"Ciidanka Puntland waxay noqdeen ciidamo ka sheegan caalamka, kuna guuleystay inay laayaan urur argagixiso ah oo runtii dalal badan oo naga awood badan u babac-dhigi waayeen ama ay dhakhso u dhameen kari waayeen. Ciidanka Puntland oo runtii ku hubeysan iimaan, kalsooni, dal jecleysi iyo masuuliyad in ay maanta ku guuleysteen in casharo buugaagta taariikhda caalamka galay ay gaysteen 2025." Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay "Waa taariikh ku suntan dhammaan geyiga Soomaaliyeed, gaarna u ah Puntland."

Madaxweynaha ayaa ku waramaya in hawlgalka ciribtirka Daacish ee Hilaac uu yahay hawgal si weyn loogu diyaargaroobay, isla-markaana ay u dhan yihiin dhammaan dadka reer Puntland, shacab iyo ciidanba.

"Waa guluf loo diyaariyay inaanan laga soo jeedsan, illaa guusha gacanta lagu hantiyo, waa guluf xaqiijiyay dhammaan wixii dadka reer Puntland ay ku taamayeen." Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni ayaa sheegay in iyadoo aan la soo afjarin wejiga saddexaad ee hawlgalka in natiijada hawlgalka laga dareemay suuqyada ganacsiga ee Puntland, gaar ahaan Magaalooyinka Gobolka Bari, sida Boosaaso oo uu hoos u dhacay sicirkii maciishadda, haddii Daacish ay culeys dhaqaale ku haysay ganacsatadeeda.

"Waxaa durba kor u kacay maalgashiga Magaalada Boosaaso iyo magaalooyin kale, waxaana soo noqday dadkii ganacsatada ahaa ee maalkooda iyo naftooda u baqay." Ayuu yiri Deni.

Daacish ayaa marka ay dalka noqoto ka hawlgasha Gobolka Bari ee Puntland, iyadoo dhaqaalaha ugu badana ka heli jirtay ganacsatada Boosaaso iyo qayb yar oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Daacish waa mid ka mid ah ururada hubeysan, uguna arxanka daran ee maanta ka hawlgala dunida, Puntland-na waxay ku socotaa waddadii ay Somaliya uga xoroobi lahayd Daacish.

Ciidanka Puntland ayaa loo maleynaya in sirta ka dambeysa guushan ay ka gaarayaan hawlgalka ay tahay, iyagoo aan dagaalka ka joojineyn Daacish iyo shacabka oo si buuxda u garab taagan, taasna ay meesha ka saartay fursad kasta oo Daacish ay dib isugu soo abaabuli kartay.

Daacish ayaa xilligan goobo fara ku tiris ah kaga sii harsan Buuraleyda Calmiskaad, ka dib ku dhawaad 10 sano oo ay ka hawlgaleysay.