Raysal Wasaaraha Jarmalka oo Israel ugu yeeray inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah

Raysal Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz ayaa Maamulka Israel ugu yeeray in ay ku dhaqmaan shuruucda caalamiga ah, xilligan ay duulaanka ku hayaan Marinka Gaza.

Iyadoo uu sii kordhayo walaaca caalamiga ah ee laga qabo cawaaqibka uu yeelan karo hawlgalka dhinaca dhulka ah ee Israel sheegtay in ciidamadeeda ay ka bilaabayaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ayuu Raysal Wasaaraha Jarmalka sheegay in walaacooda ay la wadaageen Maamulka Israel.

"Walaacayaga waxaan la wadaagnay Dowladda Israel, waxaana xusuusinaynaa masuuliyadda ka saaran inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa uu xaqiijiyay taageerada Jarmalka ee amniga Israel, haddana waxa uu sheegay in ay ka filayaan inay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo ku dhaqankeeda.

"Waxaan rabnaa inay sidaas sameeyaan, si joogto ah ayaana uga la hadlaynaa, waxaana jirta sabab wanaagsan oo sidaas loo sameeyo, waana wax aad muhiim noogu ah dhammaanteen." Ayuu sii raaciyay.

Isaga oo Sabtidan ka hadlayay shirka amniga ee ka furmay Magaalada Munich ayuu yiri "Waxaa si cad na looga baahan yahay adeecidda sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta ay tahay inaan ku dhaqano, sababtoo ah waxaan u saxiixnay heshiisyada qaar ee caalamiga ah, waa wax ka soo baxaya aragtidayada aadanaha, sida aan rabno inaan noqono iyo sida aan rabno inaan isu aragno."

Olaf Scholz, Raysal Wasaaraha Jarmalka ayaa Tel Aviv ka dalbaday inay ogolaato in gargaarka bani'aadantinimo la geeyo Marinka Gaza, iyada oo laga jawaabayo masiibada bani'aadantinimo ee ka dhalatay weerarada ay halkaasi ka waddo.

"Waxaan u baahanahay in gargaarka bani'aadantinimo la geeyo Gaza in ka badan inta aan aragno maanta." Ayuu yiri Olaf Scholz.

Scholz ayaa Israel ku adkeeyay in habka maareynta ee gulufka ay ciidamadeeda ka wadaan Gaza uu noqdo mid waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka, iyadoo laga fogaanayo in la dhibaateeyo dadka aan waxba galabsan.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa shir jaraa'id ka sheegay inuusan fileynin in la weeraro deegaanka ay dadka barakacayaasha ah ku badan yihiin ee Rafah oo dhaca xadka Gaza iyo Masar.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in Rafah ay gabaadsanayaan Falastiiniyiinta ka baxsanaya weerarada joogtada ah ee ay Israel ka waddo dhulka la go'doomiyay.

Madaxweyne Biden ayaa ugu dambayn sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhinacyadu ay isla qaataan xabad joojin ku-meel-gaar ah, taas oo sahleysa in la haysteyaasha Israeliyiinta ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Rafah waxaa loo arkaa goob haatan muhiim u ah ku dhawaad 1.5 milyan oo barakacayaal ah oo guryahooda uga soo cararay weerarada arxandarada ah ee Israel, waana meeshii ugu dambeysay ee ay dadku u barakaceen.