Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay laamaha amniga

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay, sidii loo sugi lahaa, loona xoojin lahaa amniga Caasimadda Muqdisho, bishan Ramadan.

"Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Booliska, Nabad Sugidda, Gobolka Banaaid iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakeysan, oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Raysal Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hay’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka, bishan cibaadada Alle ku jira."