Raysal Wasaare Abiy Ahmed: Itoobiya xoog kuma raadin doonto deked Badda Cas ah

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa u muuqdo in uu laabtay hadalkii dhawaan ka soo yeeray, ee ahaa in Itoobiya ay xoog iyo xeeladba ku raadin doonto, sidii ay u heli lahayd deked dhacda Badda Cas.

Hadalkiisan ayaa walaac ku abuuray dalalka Geeska Afrika qaarkood, oo si dhab ah u qaatay in duulaan uu kaga iman karo Addis Ababa.

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta sheegay inaanay Itoobiya dagaal iyo xoog midna ku raadin doonin, sidii ay u heli lahayd Dekedda Badda Cas.

Raysal Wasaaraha oo Addis Ababa kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 116aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Difaaca Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay inaanay Itoobiya cidina weerar ku ahayn.

"Waxaa jirta baqdin laga qabo in Itoobiya ay duulaan qaaddo, ka dib dalabkeennii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa in aynu helno bad." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha.

Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa yiri "Itoobiya weligeyd dalna kuma duulin, mana dhici doonto in mustaqbalkana ay ku duusho."

"Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in Itoobiya aysan danaheeda ku raadin doonin dagaal." Ayuu sii raaciyay Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa xusay in Itoobiya ay danaheeda ku raadin doonto wada hadal iyo wax heshiis lagu yahay.

"Waxaa naga go’an in danaheenna iyo danta guud lagu gaaro wada hadal iyo gorgortan." Ayuu yiri Raysal Wasaare Abiy Ahmed.

Dalka ay Itoobiya deriska yihiin ee Eritrea ayaa walaac ka muujiyay hadalkii Mr. Abiy, ee ahaa in haddii la doonayo in dadka gobolka ay nabad ku wada noolaadaan ay tahay in la helo qaab aan wax ku wada qaybsano oo dheelitiran.

Dowladda Eritrea ayaa wax xad dhaaf ah ku sheegtay, haddii Addis Ababa ay xoog u adeegsato, sidii ay u heli lahayd marin badeed.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ayaan wax deked ahi lahayn, tani oo dhaqaalaha dalkaasi ka dhigtay sida la sheegay mid aan u korin, sidii la rabay.

Dalka 2aad ee Afrika ugu dadka badan ee Itoobiya ayaa bad la'aan ahaa, tan iyo markii ay Eritrea ka go'day dalkaasi, sanadkii 1993-kii.