Raysal Wasaare Barre oo ka qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga ee Baydhabo

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa Baydhabo kaga qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehliya Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayay madaxdu heshiis kama dambeys ah kaga gaarayaan arrimaha doorashooyinka dalka, sida uu mar sii horreysay sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud.

“Marka laga soo taggo ajandayaasha joogtada ah, oo amniga xoreynta dalka, siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ka mid yihiin, hadda Baydhabo waxay u ballansan yihiin inay ka hadlaan doorashooyinka dalka, oo heshiis kama dambeys ah in laga gaaro oo dabcan doorashada soo socoto lagu saleynayo. Insha’Allah waxa aan rajeynayno inay sal u noqon doonto, sano badan oo soo socdana nidaam doorasho oo la isku ogyahay, oo xisbiyo ku dhisan oo dimoqraadi ah in la helo.” Ayuu yiri Agaasimaaha.

Agaasimaha ayaa yiri “Sidoo kale ajandaha Baydhabo yaalo, waxaa ka mid ah Federaaleynta Maaliyadda, in laga heshiiyo Nidaamka Maamulka Maaliyadda ee dalka. Sidoo kale ajandaha amniga oo horey 2017 looga soo heshiiyay ayay rabaan dhameystir inay ka sameeyaan, haddii Alle idmo, oo qodobo su’aalo ka soo noqdeen ay ku dhameystiri doonaan.”

Shirkan oo ah mid 2-dii biloodba mar la qabto ayay madaxdu kaga hadlaan, hadba marxaladda uu markaasi dalka marayo.