Raysal Wasaarihii hore ee Pakistan oo lagu xukumay 10 sano oo xarig ah

Maxkamad gaar ah oo ku taala Pakistan ayaa 10 sano oo xarig ah ku xukuntay Raysal Wasaarihii hore ee dalkaasi, Imran Khan, ka dib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay dokumentiyo sir ah oo dowladeed.

Eedeymahan ayaa la xiriira waraaqo diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyay Dowladaha Pakistan iyo Mareykanka. 

Maxkamadda ayaa sheegtay in Raysal Wasaarihii hore uu faafiyay dokumentiyadaasi, intii uu xafiiska joogay.

Imran Khan oo xukunka laga tuuray bishii April ee sanadkii 2022 ayaa sheegay in tani ay qayb ka ahayd shirqoolka Mareykanka ee lagu afgembiyay dowladdiisa.

Maxkamadeynta oo ka dhacday maxkamad gaarka ah oo laga dhisay Xabsiga Rawalpindi ayaa Talaadadan ku dhawaaqday xukunka waxa loogu yeero kiiska sirta ah, kaas oo ku saabsan xarig diblomaasiyadeed oo Imran Khan uu ku andacoonayo inuu caddeynayo eedeymihiisii ​​ahaa in xilka laga qaaday 2022 ay ahayd shirqool.

Maxkamadda lagu aasaasay sharciga sirta rasmiga ah ayaa Khan ku heshay dembi ah inuu si khaldan u isticmaalay amaba u faafiyay waraaqo diblomaasiyadeed oo sir ah, oo Safiirkii hore ee Pakistan u joogay Washington uu u soo diray Islamabad, muddadii uu Khan ahaa Raysal Wasaaraha.

Mr. Khan ayaa marar badan beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo sheegay in dukumeentigu ay ku jiraan caddeymo muujinaya in xil ka qaadistiisa ay ahayd shirqool ay maleygeen dad ka soo horjeeda siyaasadda iyo ciidamada awoodda badan ee dalkaasi, oo gacan ka helaya Mareykanka. Washington iyo Taliska Ciidamada Pakistan ayaa diiday eedeyntaasi.

Khan ayaa eedeymaha lagu soo oogay ku tilmamay mid siyaadeysan, oo lagaga hor istaagayo inuu ka sii mid ahaado danleyda siyaasadda ee dalkaasi. 

Khan ayaa xirnaa tan iyo bishii August ee sanadkii hore, si uu u wajaho dacwado dhowr ah. Xilligaasi waxaa lagu xukumay saddex sano oo xariga ah, ka dib markii lagu helay kiis musuq-maasuq, loogana mamnuucay in uu u tartamo doorashooyinka qaranka, xukunkaana waa kii labaad ee garka loo geliyo, wax ka yar hal sano.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi oo qayb ka ahaa dacwaddan ayaa isna lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Xisbiga Khan ee PTI ayaa maxkamadeynta ku tilmaamay mid been abuur ah, isla-markaana ay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka maxkamadda.

Afhayeenka Xisbiga PTI, Syed Zulfiqar Bukhari ayaa sheegay in xisbigooda aanu aqbali doonin xukunka caddaalad darrada ah.

Xukunka ayaa imaanaya, toddobaad uun ka hor doorashooyinka guud ee dalkaasi ka dhacaya, isla-markaana laga mamnuucay in Khan uu ka qaybgalo.