Roobab dabeylo wata oo 18 qof ku dilay dalka Oman

Roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata ayaa ka da'ay qaybo ka mida Gacanka Khaliijka, iyadoo 18 qofna ay ku dileen dalka Oman.

Dowladda Oman ayaa maanta ku dhawaaqday in sagaal ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen arday iyo darawalkii baskooda, ka dib markii ay daadadku ku qaadeen deegaanka qadiimiga ah ee Samad Al-Shan ee Gobolka Sharqiyah. 

Hay'adda Maareykanka Masiibooyinka iyo Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ayaa Talaadadan sheegay inay raadinayaan laba qof oo la la'yahay.

Kooxaha samatabixinta ayaa goor sii horreysay oo maanta ah soo saaray meydka ilmo yar, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 18 qof.

Dhanka kale roobab mahiigaan ah ayaa maanta ka da'ay dalka ay deriska yihiin ee Emirate-ka Carabta, iyadoo ayna daadad xoogan ku soo rogmadeen waddooyinka waaweyn ee Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai.

Roobabka oo watay dabeylo xoogan ayaa caqabad ku noqday duulimaadyadii garoonka caalamiga ah ee Dubai, oo ah kan dunida ugu mashquulka badan ee dhinaca duulimaadyada caalamiga ah. 

In ka badan illaa 50 duulimaad ayaa la joojiyay, sababo ku aaddan cimilada oo aad u xun awgeed. Dubai ayaa sidoo kale ah xarunta dhaqaalaha ee gobolka.

Ciyaarta Semi Finalka Koobka Kubadda Cagta ee Asian Champions League ee lagu qabanayay Magaalada Al Ain ayaa dib loo dhigay muddo 24 saac ah. Ciyaartan ayaa waxaa u ballansanaa kooxda Emirate-ka Carabta ka dhisan ee Al Ain iyo kooxda Sacuudiga ee Al Hilal.

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in xaddiga biyaha ay aad uga badan yihiin, intii la qiyaasayay.

Dowladda ayaa soo saartay amar lagu xirayo dugsiyada waxbarashada ee dalkaasi, ka hor roobabkan dabeylaha wata, waxayna fasaxday shaqaalaha rayidka ah, oo la faray inay guryahooda ka soo shaqeeyaan, intii karaankooda.

Dalka Bahrain oo ay roobabka dabeylaha wata saameeyeen ayaa maanta la xiray dhammaanba goobaha waxbarashada ee dalkaasi, si loo ilaaliyo badqabka ardayda.

Roobabkan ayaa sidoo kale ka da'ay dalalka Qatar iyo Sacuudiga, lamana soo sheegin saamayn sidaasi u weyn oo dalalkaasi ay ku yeesheen.