Ruushka oo dhalleeceeyay Madaxda Israel

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Talaadadii sheegay inaanan wax rajo ah laga qabin in si degdeg ah wax looga qabto colaadda Gaza, sababo ku aaddan hab dhaqanka khalafsan ee Madaxda Israel.

"Iyadoo laga duulayo hab dhaqanka aan fiicnayn ee Hoggaanka Israel oo sii wada ficilka militari ee Gaza ayaa hadda dagaalka ku fidinaya Rafah. Markaa ma aragno rajooyin muuqda oo si degdeg ah wax looga qabanayo xaaladda." Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay Madasha Naadiga Wada-xaajoodka (Valdai) oo looga hadlayay xaaladda Bariga Dhexe. Naadiga Valdai ayaa ah madal fekradaha iyo doodaha la isku weydaarsado oo fadhigeedu yahay Caasimadda Moscow.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegay in xaaladda ka sii dareysa ee ka taagan Bariga Dhexe aanay weli gaarin xadkeeda, isaga oo intaasi ku daray in rabshadaha ka dhacaya meelaha ka baxsan Falastiin ay kaalin ka qaadanayaan xasillooni darrada gobolka.

Wasiirka ayaa Mareykanka ku eedeeyay inaanu dhibaato ka dhex abuurin Falastiin iyo Israel oo keliya, balse uu gobolka oo dhan ku riixay marxalad masiibo ah, sida uu yiri.

Waxa uu sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka, isla-markaana uu dareenkiisu la wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

"Mareykanka waxay door bideen inay ku tiirsanaadaan awooddooda gobolka, waxayna hadda ka shaqeynayaan, sidii ay Ruushka uga saari lahaayeen dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu abuuro nabad iyo xasillooni waarta." Ayuu yiri Wasiir Lavrov.

Wasiir Lavrov ayaa muujiyay in ay lagama maarmaan tahay in la abuuro shuruudo adag oo aasaas u noqon kara in dhinacyadu ay gaaraan heshiis ku qotoma amni la isku haleen karo.

Lavrov ayaa sheegaya in dhismaha dowlad ay shacabka Falastiiniyiinta leeyihiin ay muhiim u tahay hiigsiga xalka waara.

Lavrov ayaa ku baaqay in Falastiiniyiinta loo qabto shirweyne ay ka qayb qaadanayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha kooxaha, si loo soo afjaro buu yiri kala qaybsanaanta dhexdooda ah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku celceliyay inaanay marnaba aqbali doonin yegleelidda dowlad ka barbar dhalata Israel.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay inuu muddo dheer hortaagnaa qaddiyadda Dowladnimada Falastiin, inta uu xafiiska joogana aanu ogolaan doonin.

Madaxweyne Joe Biden ayaa daba-yaaqadii bishii January sheegay inuu Netanyahu kala hadlay xalalka suurtagalka ah ee lagu abuuri karo dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, isagoo xusay in xal aan militari ahayn uu yahay kan keliya ee lagu gaari karo amniga waara ee Israel.