Ruushka oo si adag u baaraya weerakii Moscow iyo Ukraine oo wadnaha farta ku haysa

Hay'adaha ammaanka Ruushka ayaa wada baaritaano ballaaran, oo ku aaddan weerarkii hubeysnaa ee habeen hore ka dhacay hoolka riwaayadaha ee Magaalada Moscow.

Dhowr nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca ayaa rasaas ku furay dadweyne isugu yimid hoolka Crocus, oo xilligaasi ay bandhig faneed ku qabanayeen kooxda Picnic, iyadoona raggaasi ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobtaasi.

Baareyaasha ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 11 qof ah oo lala xiriirinayo weerarka, kuwaa oo afar ka mid ah la sheegay inay yihiin raggii hubeysnaa ee toogashada gaystay. Raggan ayaa la sheegay in gacanta lagu soo dhigay, iyaga oo ku sii jeeda dhanka xadka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ruushka ayaa sheegtay in afarta nin ee toogashada gaystay ay dhammaantood yihiin muwaadiniin ajnabi ah.

Tirada dadka ku dhintay weerarka ayaa kor u dhaaftay 130 qof, ka dib markii meydad hor leh laga helay gudaha hoolka la weeraray, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Barasaabka gobolka, Andrey Vorobyov oo Sabtidii booqday dhismaha uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay u muuqato mid aad u kordheyso, waana xilli 60 ka mid ah dadka dhaawacmay la sheegay in xaaladdooda ay liidato.

Ururka Daacish ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, balse masuuliyiinta Ruushka ayaa tuhunsan in Ukraine ay ku lug leedahay.

Madaxa Hay'adda Nabad Sugidda Ruushka, Alexander Bortnikov ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaanka lagu ogaanayo cidda dhabta ah ee ka dambeysay falkaasi.

Saraakiisha Ruushka ayaa laga soo xigtay in Moscow ay baareyso isku xirka Ukraine ee weerarka ay dadka badani ku dhinteen.

Madaxweyne Vladimir Putin oo Telefishinka Qaranka ka jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabkiisa ayaa sheegay isku dayga ay raggaasi isku dayeen inay u baxsadaan dhanka Ukraine ay abuurtay tuhun ah suurtagalnimada in Ukraine ku lug leedahay weerarka.

Waxa kaloo uu sheegay inay xogta horudhac ah ku hayaan in raggaasi loo diyaariyay marin ay uga sii dusaan dalka Ukraine, kolka ay xuduudda gaaraan.

Madaxweyne Putin oo weerarka ku tilmaamay fal argagixiso oo waxashnimo ah ayaa wacad ku maray in la ciqaabi doono cid kasta oo ku lug leh wixii dhacay. Madaxweynaha ayaana ku dhawaaqay in Axaddan ay tahay maalin baroorqiiq qaran ah.

Mykhaylo Podolyak, La taliyaha Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inaanay Ukraine haba yaraatee wax lug ah ku lahayn weerarkaasi argagixiso.

"Ukraine weligeyd maysan isticmaalin hababka argagixisada." Ayuu yiri Mykhaylo Podolyak oo intaasi ku daray in tuhunka ay Moscow ka qabto dhinaca Kyiv uu yahay mid aan macquul ahayn.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy oo xalay jeediyay khudbad uu kaga jawaabayay warka ka soo yeeray Madaxweyne Putin ayaa ku eedeeyay inuu raadinayo qiil uu Ukraine ugu saariyo eedda dadkii la laayay.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in Ukraine ay ka baqdin qabto in Ruushka uu dalkeeda ka gaysto weeraro lagu hoobto.

Ruushka ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha, xarumaha tareenada iyo guud ahaanba Magaalada Moscow.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Caasimadda Moscow, muddo tobanaan sano ah.