RW Barre "Gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu musuqa yar”

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa hablaha Soomaaliyeed ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.

Raysal Wasaaraha oo u hambalyeeyay haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go'an tahay ilaalinta xuquuqda haweenka iyo doorkooda ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda & arrimaha bulshada, bacdamaa ay hooyada lafdhabar u tahay aasaaska jiritaanka qoyska iyo qaranka.

"Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go'an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyay la difaaco." Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa hablaha Soomaaliyeed ku ammaanay inay yihiin kuwa ugu kartida badan, isla-markaana ugu musuq-maasuqa yar.

"Shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Barre ayaa ku bogaadiyay haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo sida uu yiri kooxaha Khawaarijta.