Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamaya Gobolka Bari 

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ay ku dagaalamayaan deegaano hoos tagga Degmada Qandala ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Qandala, Axmed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay labada dhinac ku dagaalamayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin duleedka degmadaasi.

"Deegaanada Qandala hoos tagga oo muddooyinkii ugu dambeysay ay ku kala sugnaayeen Shabaab iyo Daacish, iyaga uun baa ku dagaalamaya dhexdoodii." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray "Saddexdii maalmood ee u dambeysay iyaga dhexdoodaa dagaal ka dhex socday." 

Gudoomiyaha Degmada Qandala ayaa tilmaamay in deegaanada Qurac io Darin ay ka mid yihiin goobaha ay ku dagaalamayaan maleeshiyadaasi.

Isaga oo la hadlayay VOA ayuu sheegay in dadkii shacabka ahaa ee deganaa deegaanadaasi ay ku barakaceen dagaalkan ka dhex qarxay Daacish iyo Shabaab.

Axmed Yuusuf Maxamed, Gudoomiyaha Degmada Qandala ayaa sheegay inaanay garanayn waxa uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeya dhinacyadaasi.

"Runtii waxa ay ayagu isku hayaan oo ay ku dagaalamayaan ma garan karno." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa raaciyay inaysan sidoo kale waxba kala socon cidda dagaalka bilowday.

"Dhinaca bilaabay lama garan karo, meeshii inta badan anteeno ma leh, tog waxaa weeye aad u dheer oo tuulooyin fara-badan leh, qofka markuu network-ka raadinayo waa inuu togga ka soo dhex baxo oo buuraha yimaado." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Waxa uu sheegay inaysan wax gargaar ahi gaarsiin karin dadka rayidka ah ee ku haray deegaanada ay dagaaladu ka socdaan, balse ay dadku u furan tahay inay lug uga soo baxaan, kuna yimaadaan Degmada Qandala, markaas oo ay u fidin karaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Saraakiisha Al Shabaab iyo kuwa Daacish ayaan illaa iyo hadda ka hadlin dagaalka maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayay deegaanada hoos tagga magaalo xeebaadka Qandala.

Qandala oo sidoo kale magaalo buuraley ah ayaa waxay qiyaastii 75km dhanka bari kaga beegan tahay Magaalada Boosaaso.

Daacishta Somaliya oo ah garab ka jabay Al Shabaab ayaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay buuraha Gobolka Bari, waana dhulka qura ee ay dalka kaga sugan yihiin.