Shabaab oo sheegay in dhakhaatiirtii Cuba ee gacanta ugu jiray la dilay

Ururka Al Shabaab ayaa Sabtidii sheegay in la dilay labadii dhakhtar ee u dhashay dalka Cuba ee ay sanadahanba afduubka ugu haysteen deegaanada ay ka arrimiyaan.

Shabaabka ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Telegram-ka ku sheegay in dhakhaatiirtaasi lagu dilay duqayn diyaaradeed oo Khamiistii ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Shabaabka ayaa sheegay in duqaynta oo ka dhacday guri ku yaala Jilib ay galaafatay nolosha Assel Herrera Correa iyo Landy Rodriguez Hernandez.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cuba ayaa sheegtay inaanay xaqiijin karin wararka sheegaya in ay geeriyoodeen dhakhaatiirtaasi.

"Illaa hadda xogtan lama xaqiijin. Arrintan Madaxda Cuba waxay si joogto ah uga la xiriirayaan dhiggooda Kenya iyo Somaliya, waxaana wixii ka soo kordha si degdeg ah loola socodsiin doonnaa dadkeenna." Ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay.

Shabaabka ayaa 12-kii bishii April ee sanadkii 2019 dhakhaatiirtan ka soo afduubtay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, xilli ay goobtooda shaqo ku sii jeedeen.

Afhayeen xilligaasi u hadlay Booliska Kenya oo lagu magacaabo Charles Owino ayaa sheegay in dabley wadatay laba gaari oo Toyota ah ay bartamaha Mandhera ku weerareen baabuur ay la socdeen dhakhaatiirta iyo laba askari oo ilaalo u ahayd. Owino ayaa sheegay in dableyda ay toogasho ku dileen mid ka mid ah askartaasi, isla-markaana ay xuduudda dhanka Somaliya ula tallaabeen dhakhaatiirta iyo askarigii kale.

Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel oo dadaal dheer u galay sii deynta dhakhaatiirtaasi ayay dowladdiisu caqabad ka qabsatay bixinta madax furashadii ay Shabaabku dalbadeen.

Bartamihii bishii June ee sanadkii hore ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Shabaabku ay dalbadeen madax furasho dhan hal dhibic shan milyan oo dollarka Mareykanka ah ($1.5M).

Cuba ayaa horaan Dowladaha Somaliya iyo Kenya weydiisatay inay kala shaqeeyaan, sidii dhakhaatiirtaasi ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskooda.

Bilowgii bishii October ee sanadkii 2020 ayaa waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeysay sii deynta dhakhaatiirtaasi, balse Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaasi, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaanay waxba ka ogeyn, haddii Shabaabku ay sii daayeen labadaasi nin.

"Arrintaas waxaan ka leenahay Madaxda Somaliya ma sheegin warkaasi. Warkaasi war Dowladda Somaliya ka baxay ma ahan." Ayuu yiri Cawad oo intaasi ku daray "Nimankaas waxaa afduubtay Al Shabaab, hadday sii daayeen Al Shabaab baa og, laakiin annagu dadaalo ayaanu wadnay, sidii qofkii ajnabi ah oo Somaliya wax ku gaaraan aanu ku daneynayno."

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya dhakhaatiirtan ay muddooyinkii ugu dambeysay howlo caafimaad ka fulinayeen dhulka ay Shabaabku maamulaan.

Correa iyo Hernandez ayaa ka mid ahaa illaa 100 dhakhaatiir Cuban ah oo dalka Kenya u aaday, si ay u xoojiyaan adeegyada caafimaadka ee ay dowladda dalkaasi bixiso. 

Dhakhaatiirtan ayaa Kenya ku yimid heshiis laba geesood ah, oo looga gol lahaa in lagu horumariyo adeegyada caafimaadka ee dalkaasi.

Hernandez iyo Correa ayaana lagu qoray Ismaamulka Mandhera, waxayna 24-ka saac haysteen ilaalo amni, sababtoo ah Mandhera oo loo arkayay meel aan ammaankeedu wanaagsanayn, ayna ku badan yihiin weerarada Al Shabaab, bacdamaa ay xuduudda saaran tahay.