Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo oo ku guuldareystay wada hadaladii Xasan Sheekh iyo Deni

Madaxweyneyaashii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu mira dhali waayay dadaaladii ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Warsaxaafadeed ay si wadajira u soo saareen ayay ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni ay labaduba ka aqbaleen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka dhexdooda ah.

"Ka dib wada hadalo dhinaca teleefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaanu ku guuleysanay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen Shariifka iyo Farmaajo.

Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeedkooda ku muujiyay in arrintu ay markii dambe ka socon weyday dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh.

"Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad geliyo galka la xiriira wax ka bedelka dastuurka muddo laba isbuuc ah. Hase yeeshee waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaanay in ay mira dhali weyday, ka dib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka weynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jebinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadaladu ay bilowdaan." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri "Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgoys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideenna, waddada keliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, is qancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu ka leexday wixii lagu ballamay, taasoo keeni karto inuu dalka galo xaalad kala qaybsanaan iyo khilaaf hor leh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud."

Khilaafka labada dhinac oo soo ifbaxay horaantii bishii May ee sanadkii hore ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, ka dib markii ay eedeymo isaga jeediyeen qalabka Warbaahinta. 

Khilaafkoodan ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed, iyadoo tan iyo xilligaa aanu Madaxweyne Deni ka qaybgelin shirarka ay soo qaban-qaabiso Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa 30-kii May ku hanjabay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto, ka gadaal markii uu si adag uga horyimid heshiiskii ay 27-kii bishaasi Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku gaareen Magaalada Muqdisho, ee la xiriiray in dalka oo dhan ay ka qabsoomto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo keliya, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira ee Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Tani ayaa ah sababta ugu weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan gadaal uga riixayo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ah, si dalka uu uga gudbo nidaamkii lagu soo dhaqmayay 23-kii sano ee ugu dambeysay.