Somaliya oo Shiinaha ka codsatay taageero militari

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo gelinkii dambe ee Axaddii Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee dalka, Danjire FEI Shengchao ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta nabadda & amniga gobolka, qorshaha dowladda ee la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo ahmiyadda ay u leedahay qaadista xayiraadda dhanka hubka ee Somaliya saaran.

"Labada masuul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka. Sidoo kale Wasiirka iyo Safiirka ayaa wada hadlay ajandayaasha dowladda ee la dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna Somaliya." Ayay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaase sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga uu Safiirka Shiinaha ka codsaday in dowladdiisa ay Xukuumadda Federaalka ka taageerto qorshaha kaga yaala ciribtirka maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo markaasi ka caawineyso dhanka qalabka ciidamada iyo weliba rasaasta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wasiir Jaamac uu Safiirku ka codsaday in Beijing ay codkeeda siiso Muqdisho, kulanka xigga ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey codka ugu qaadayaan qaadista cunaqabateyntan caqabadda ku noqotay hannaanka dowladnimada dalka. Villa Somalia ayaa rumeysan in qaadista cunaqabateynta ay wax badan ka tari doonto dagaalka ay dooneyso in ay xididada ugu siibto, waxa ay ugu yeertay Khawaarijta.

Danjire Shengchao ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Wasiir Jaamac ay isla garteen in Somaliya laga taageero dadaalada dib u soo celinta xasilloonideeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 29-kii bishii January Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergeyga Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda-Greenfield Thomas ayaa ka codsaday in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha Dowladda Soomaaliyeed ee laalidda cunaqabateyntaasi, si uu dalka kaga gudbo dhibaatada ka haysato dib-u-dhiska ciidamada iyo dedejinta dabar-goynta ee kooxaha hubeysan, oo ay dowladdiisu u aragto kuwa keliya ee maanta carqaladda ku ah amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Linda-Greenfield ku booriyay in Washington ay qayb ka noqoto ololaha Somaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka.