Sweden oo si rasmi ah uga mid noqotay Gaashaanbuurta NATO

Sweden ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee ka mid noqda Gaashaanbuurta NATO, ka dib markii Baarlamaanka Hungary uu meelmariyay ka mid noqoshadeeda xulafada.

Turkiga iyo Hungary oo muddooyinkii ugu dambeysay hortaagnaa in Sweden ay xubin ka noqoto NATO ayaa markii dambe ansixiyay inay ku soo biirto bahwadaagta. Baarlamaanka Turkiga ayaana xubinimada Sweden meelmariyay daba-yaaqadii bishii hore ee January.

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Baarlamaanka Hungary xayiraadda kaga qaaday Sweden, oo muddo 18 bilood ah ay ka hortaagnaayeen inay xubin ka noqoto NATO.

Sharciga NATO ayaa dhigaya in dal kasta oo doonaya inuu xubin ka noqdo xulafada ay tahay inay ansixiyaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Hungary ayaa u muuqatay mid ka careysan Sweden oo horaan dhalleeceysay dimoqraadiyadda Hungary.

"Hadda dhammaan xulafada ayaa ansixiyay Sweden. Xubinimada Sweden waxay naga dhigeysaa dhammaanteen kuwo xoogan oo ammaan ah." Ayuu yiri Jens Stoltenberg.

Raysal Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu guto waajibaadkiisa, ka dib markii Baarlamaanka Hungary uu soo afjaray caqabaddii ka haysatay ku biiritaankooda isbahaysiga.

"Maanta waa maalin taariikhi ah, dhammaan baarlamaanada dalalka xubnaha ka ah NATO, waxay hadda u codeeyeen in Sweden ay ka mid noqoto NATO." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Sweden.

Raysal Wasaare Kristersson ayaa intaasi ku daray "Sweden waxay diyaar u tahay inay gudato masuuliyadda ka saaran ammaanka Yurub Atlantic."

Sweden ayaa noqonaysa dalkii 32aad ee xubin rasmi ah ka noqda isbahaysiga NATO, ka gadaal markii Finland ay bishii April ee sanadkii hore ku biirtay xulafada uu Mareykanku hoggaamiyo.

Finland iyo Sweden ayaa bishii May ee sanadkii 2022 codsaday inay ku biiraan NATO, saddex bilood uun ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine. 

Dalalkan oo muddo dheer loo arkayay kuwo dhexdhexaad ah ayaa baqdin ay ka qabaan is ballaarinta Ruushka awgeed u codsaday inay ka mid noqdaan NATO.

Ku biiritaankooda NATO ayaa dharbaaxo ku ah tallaabadii uu Madaxweyne Vladimir Putin kaga hortaggayay inaanay NATO ku soo dhawaan amaba fidin xuduudaha Ruushka.