Taliyaha Ciidanka Booliska oo booqday Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta booqday Xarunta Safaaradda Shiinaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa waxaa Xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Shiinaha ee dalka, Danjire FEI Shengchao, kaas oo ay ka wada hadleen taageerada Shiinaha ee Somaliya.

"Taliyaha ayaa Safaaradda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo mashaariicda tababarka ay ku saacidaan." Ayay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

Danjire Shengchao ayaa Axaddii sheegay in Beijing ay Muqdisho ka taageeri doonto dadaalada dib u soo celinta xasilloonideeda.