Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay dhiggiisa Kenya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi, General Robert Kariuki Kibochi.

Taliyaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Militariga Kenya ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Militariga.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneyd ee labada dhinac iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee dalkaasi ayaa la xiriirta ciidamada aan qaybta ka ahayn Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ee ay Kenya u soo direyso Somaliya.

Madaxda Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa aqbalay in ay ciidamo cusub u soo diraan Somaliya, si ay kaga qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ay tahay in lagu wiiqo maleeshiyada Shabaabka, ka dib shirkii ay 1-dii bishi February kaga qaybgaleen Magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay in taageero weyn loo muujiyo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, bacdamaa ay ka go'an tahay ciribtirka Shabaabka hubeysan.